Sunday, September 21st, 2014
Mogadishu
localtimes.info

Al Shabaab oo xaqiijisay inuu geeriyooday Gary Schroen

Published on July 24, 2013 by   ·   No Comments

Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu geeriyooday Madaxii Sirdoonka CID-da Mareykanka ee Bariga Afrika Gary Schroen.

Al Shabaab ayaa waxay horey u sheegtay in Gary Schroen uu dhaawac culus ka soo gaaray, weerarkii ismiidaaminta ee kolonyadii Amisom lagula eegtay inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4, 12-kii bishaan July.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/caasiis Abuu Muscab, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa wuxuu ku cadeeyay in Gary Schroen uu u geeriyooday dhaawacii ay u geysteen maalinimadii 3-aad ee bishaan Ramadaanka

Afhayeenka ayaa wuxuu xusay inay xog ku hayaan in uu laba cisho kahor uu Gary Schroen u geeriyooday, dhaawacii darnaa ee ka soo gaaray, kolonyadii Ciidamada Amisom ee weerarka ismiidaaminta lala beegsaday.

Abuu Muscab ayaa wuxuu Gary Schroen uu ku eedeeyay inuu dhibaato daran uu u geystay dad badan oo Muslimiin ah, isla-markaana wuxuu xusay inuu horey uga soo shaqeeyay dalalka Pakistan iyo Afghanistan, kahor inta aan loo soo magacaabin buu yiri Bariga Afrika.

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.